Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 20 ruux ayaa dhimatay halka 26 ruux oo kalana ay dhaawacmeen kaddib toogasho ka dhacday magaalada El-Paso gobolka Texas ee dalka Mareykanka.
Gudoomiyaha gobolka ayaa ku qeexay waxa dhacday “mid kamid ah maalmihii ugu dhimashada badnaay taariikhda gobolka Texas”. Weerarka ayaa ka dhacay xarun dukaamaysi oo u dhaw suuqa Cielo Vista Mall, oo dhowr mayl u jira xadka Mareykanku uu la wadaago dalka Mexico.
Booliska ayaa xabsiga dhigay nin 21 sano jir ah oo looga shakisan yahay masuuliyada weerarka, Saxaafadda Mareykanka ayaa magaca ninkaasi ku sheegtay Patrick Crusius.
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarka ku tilmaamay mid muujinaya daciiftinimo.
Madaxwaynaha dalka Mexico Manuel Lopez ayaa dhankiisa sheegay in dadka weerarkaasi ku dhintay ay ku jiraan Seddax muwaadin oo dalkiisa u dhashay.
Weerarkaas ayaa yimid wax kayar todobaad markii toogasho ka dhacday California ay ku dhinteen Seddax ruux.