Somali News

Tobanaan ruux oo ku dhintay dooni ku degtay xeebaha dalka Talyaaniga

Ugu yaraan 58 qof oo ay ku jiraan caruur ayaa ku dhintay dooni ay la socdeen tahriibayaal oo ku degtay xeebaha dalka Talyaaniga ee koonfurta gobolka Calabria.

Markabkan ayaa ka soo shiraacday dalka Turkiga dhowr maalmood ka hor iyadoo ay la socdeen muhaajiriin u kala dhashay dalalka Afgaanistaan, Iran iyo wadamo kale oo dhowr ah.

Siddeetan iyo kow qof ayaa badbaaday, iyadoo 20 isbitaal la dhigay oo uu ku jiro hal qof oo xaaladda deg dega ah ku jira.

Mid ka mid ah badbaadayaasha ayaa la xiray isagoo lagu eedeeyay tahriibinta muhaajiriinta, booliska kastamka Guardia di Finanza ayaa yiri.