Somali News

Tobanaan ruux oo lagu dilay weerar duqeyn oo ka dhacday Suudaan

Ugu yaraan qof ayaa 40 ruux ayaa ku dhintay tobannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacay suuq ku yaalla koonfurta caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Toboneeyo dhaawac ah ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Bashair, sida uu guddigu sheegay.

Tan iyo 15-kii April, Suudaan waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidanka qaranka iyo kuwa gurmadka degdegga ah ee RSF.