Muqdisho-KNN-Ku dhawaad 40 ruux ayaa ku dhimatay dibad bax rabshado wato oo looga soo horjeedo dowladda Ciraaq.
Labo kamid ah dadka dhintay ayaa lasoo wariyay in ay dhinteen kadib markii ciidamada amaanka ay ku fureen gaaska dadka ka ilmeesiiya.
Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay intooda badan ay isku dayayaeen in ay weeraraan qaar kamid ah xafiisyada dowladda.
Dibad baxyaasha ayaa dalbanaya in helaan shaqooyin badan, musuq maasuqa oo lala dagaalamo iyo tayeenta adeegyada dadwaynaha.
Ku dhawaad 2,000 oo ruux ayaa lasheegay in ay ku dhaawacmeen tan iyo markii ay bilwdeen dibad baxyada Ciraaq sida ilo amaanka katirsan ay u sheegeen AFP.