Somali News

Tobonaan ruux oo lagu la’yahay dooni ku dagtay Jamhuuriyadda Congo.

Muqdisho-KNN-36 ruux ayaa lala’yahay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku dagtay biyaha Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee Congo.

Doonidan ayaa kasoo safartay caasimada Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee Congo, iyadoona ku quustay habeen’nimadii Axadda meel 100km u jirta bartamaha magaaladda.

76 ruux ayaa labad baadiyay sida ay boolisku kusoo qoreen bartooda Twiter’ka.

Afhayeenka booliska ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in aanan la’garaneen sababta ka danbeesay shilkan.

Gaadiidka adeegsada haraha iyo wabiyada ayaa inta badan adeegsada Jamhuuriyada Congo, halkaasi uu marin xoogan u ah fuqarada.

Balse shilalka Jamhuuriyadda Congo ayaa waxaa caan ka ah shilalka iyadoona dalku uusan lahayn maraakiib loogu talagalay in ay wax bad baadiyaan.

Shilalka ugu badan ayaa ka imaada, rakaabka oo aanan heesanin agab ku filan oo nafootada ku bad baadiyaan sida jaakadaha wax badbaadiya iyo in badi dadka aysan aqoon u lahayn dabaasha.