Sports

Toby Alderweireld oo ku wajahan Manchester united

Muqdisho-KNN-Manchester United ayaa heshiis la gaartay kooxda Tottenham si ay ulasoo wareegto ciyaaryahan Toby Alderweireld, sidaay qorayso Goal.

Jose Mourinho ayaa ceyrsanayay helida ciyaaryahan ka ciyaari kara qeybta dhexe ee daafaca xagaaga oo dhan.

Sikastaba waxay u muuqataa in Red Devils ay ugu dambeyntii ay soo gabagabeenayso si ay u hanan laheyd daafacan ka hor Khamiistii oo ugu danbayso suuqa ciyaaryahanada Egland.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska waxaa la arki karayaa marka ay xaqiijiso kooxda oo Spurs.