Somali News

Toogasho ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacday dalka Mareykanka

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 12 ruux ayaa dhimatay halka dhawr ruux oo kalana ay dhaawacmeen kadib toogasho ka dhacday dhismo dowladeed oo ku yaalla gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay inkastoo aanan wali lagaraneen haybta ninka toogashada gaystay haddana in dadka dhismaha ku sugnaa uu u toogtay si aanan kala sooc lahayn.

Sidoo kale Booliska ayaa xaqiijiyay in midkamid ah Askarta uu weerarkaasi kasoo gaaray dhaawac kadib markii ay haleeshay xabado ay is dhaafsanayeen booliska iyo ninka weerarka soo qaaday.

Dadka goobjooga u ahaa weerarka ayaa qaarkood warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas iyo qaylo dhismaha oo idil qabsatay.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in dhismaha ay kasoo saaraan shaqaalo badan isagoona intaasi sii raaciyay in ninka weerarka soo qaaday uu ku dhintay xabado ay is wiidaarsadeen.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa wali masuuliyiintu shaacinin balse lix ruux oo kale ayaa lasheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen.