Somali News

Toogasho dad ay ku dhinteen oo ka dhacday Mareykanka

Washington-KNN- Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa geeriyootay kadib markii nin hubeysnaa uu gudaha u galay suuq ay dad badan ka dukaamaysanayeen oo ku yaala magaalada New Orlayns ee dalka Maraykanka kadibna uu rasaas dhinac walba u riday.

Wararku waxay sheegayaan in ninka hubeysan oo rasaas ooda ka qaaday markii uu dukaanka galay waxaase jirtay inay iska caabin sameeyeen illaalada suuqa oo iyagana hubeysnaa.

Saddexda ruux ee geeriyooday waxaa ku jira ruuxa weerarka qaaday oo boolisku sheegeen in illaaladu toogatay.

Booliska oo markii dambe goobta tagay ayaa sheegay inay baarayaan ruuxa weerarka geystay oo ay meydkiisa hayaan.

Dhanka kale diyaarad nooceedu yahay boing 777-200 o ay la socdeen 241 ruux ayaa deg deg loogu dajiyay garoonka diyaaradaha Daanfer ee ku yaala gobolka Kolaraado kadib markii ay ciladi ku timid mid ka mid ah matooradeeda.

Muuqaalo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkay diyaarada oo cago dhiganaysa ayadoo qiic ka baxayo matoorka dhanka midig.

Lama oga waxa ku dhacay matoorka diyaaradaha mana jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.