Somali News

Toogasho ka dhacday Jarmalka

Ugu yaraan 3 qof ayaa la sheegay in si xun loogu dhaawacay Is-rasaasayn saqdii dhexe ee xalay ka dhacday caasimadda dalkaasi ee Boon.

Wargeyska Maalinlaha ee The Bild waxa uu qoray inay Toogashadaasi ka dhacday Degmadda  lagu magacaabo Degmadda Arooska oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Boon.

Dhibanayaasha la dhaawacay waxaa loola cararay Isbitaalka oo lagu daaweynayo.

Ninkii weerarkaasi geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, waxayna Ciiddanka bilaabeen Baaritaan, iyagoo go’doomiyey goobta ay Toogashadu ka dhacday.