Shirkadda Toyota ayaa markii u horeysay waxaa ay tababar iyo shahaado caalami ah siiyay dhalinyaro Soomaaliyeed , xilli ku dhawaad sanad ay xarun rasmi ah ku leedahay magaalada Muqdisho.
SKA ayaana Muqdisho keentay shirkadda Toyota horaantii sanadkan , waxaana y xarunta noqotay mid baahi badan loo qabay.
Maamulka shirkadaha SKA iyo Toyota ayaa xarunta SKA shaahada ku gudoonsiiyay sadexda dhalinyaro, kuwaasi oo mudo tababar u socday.
Sidoo kale Maamulka SKA Toyoya ayaa dhawaan waxaa ay balan qaadeen in tababar ay siin doonaan dhalin yaro kale.
Waa mid ka mid ah fursadaha loo bahanyahay in dhalinyarada Soomaaliyeed la siiyo.
Halkan ka daawo Sawirro iyo Muuqaal:-







