Madaxwaynayaasha Mareykanak iyo Turkiga ayaa arbacadii kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen wanaajinta xiriirka ka dhaxeeyo labada dal.
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhigiisa Erdogan ku amaanay xiriirka wanaagsan ee uu laleeyahay dowladda Mareykanka.
Kulanka labadan hogaamiye ayaa kusoo aadaya xilli Turkiga lagu eedeenayo weerarka uu ku qaaday waqooyi bari dalka Suuriya.
Sidoo kale kulankan ayaa kusoo aadaya xilli madaxwayne Trump uu ka carooday go’aankii ay Ankara gantaalada casriga kaga iibsatay dowladda Ruushka.
Donald Trump ayaa warbaahinta u sheegay in Erdogan ay yihiin saaxiibo wanaagsan, uuna rajeenayo in wax walba ay xal ka gaaraan.


