Somali News

Trump iyo Kim oo kulan Taariikhi ah ku yeeshay Xadka labada Kuuriya

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa kulan taatiikhi ah kula yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi aaga militariga ka caagan ee kala qeebiyada labada Kuuriya iyagoona halkaas isu gacan qaaday.

Madaxwayne Trump ayaa noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah ee lugtiisa dbiga carada Kuuriyada Waqooyi.

“In aad usoo talawdo dhanka xadka Kuuriyada Waqooyi ayaa ah wax aad u wanaagsan” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Kim. “Waa maalin dunida oo idil u wayn ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Trump.”

 “Waxaa doonayaa in aan u mahadceliyo hogaamiye Kim, waayo ayuu hadduusan iga aqbali lahayn casuumadaydii twiter’ka labadeenaba waxa ay noo noqon lahayd guul daro balse si wanaagsan ayuu sameeyay waana uga mahadacelinaa ayuu sidoo kale madaxwayne Trump u sheegay warfidiyeenada.

Kulankan ayaana noqonaya kii sadaxad oo ay si toos ah iskaga hor imaanayaan hogaamiyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.