Somali News

Trump oo Australia ka codsaday in ay ka caawiso baaris ka dhan ah Robert Mullar.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaaha Mareyknka Donald Trump ayaa weydiistay Ra’iiisul Wasaaraha Australia Scott Morrison in uu ka caawiyo asal ka baaritaanka Robert Mullar oo ahaa baare gaar ah ee loo xilsaaray faragalintii Ruushka lagu eedeeyay in uu ku sameeyay Dorashaddii Maraykanka.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Australi ayaa xaqiijiyay in Marrison la weydiistay in caawimaad ka geysto si loo helo caddeyn lahu sumcad dilayo baaritaankii socday.

Warbaahinta Maraykanka iyo kuwa Australia ayaa wariyay in Ra’iisul wasaaraha Australia uu aqbalay in uu Caawiyo Donals Trump.

Warkaan cusub ee shaaaca laga qaadaya ayaaa imaanaya iyada oo hadda uu socda baaritaan la doonayo in xilka looga xayuubiyo Madaxweyne Donald Trump.

Sidoo kale baaritaaanka hadda socda waxaa ladoonaya in lagu ogaado wixii ay ku wada hadleen Madaxweyne Trump iyo Madax kale oo caalami ah oo ay ka mid yihiin Valadimir Putin iyo Maxamed Bin Salmaan.

Dhawaan ayaa Trump waxaa lagu eedeeyay in uu cadaadis saaray Madaxweynaha Ukraine si uu baaritaan ugu sameeyo Musharaxa xisbiga Dimoqaraaadiga Joe Biden.