Somali News

Trump oo ay ka kala tageen qareennadii difaacayay

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Trump ay ka kala tageen garyaqaannadii ka difaacayay eedeymaha aqalka sare ee dalkaasi uu u haysto Trump.

Garyaqaannadaasi waxaa ka mid ah Butch Bowers iyo Deborah Barberi oo labaduba ka soo jeeda gobolka South Carolina, waxaana la sheegayaa in si iskood ah u go’aansadeen in asyan Trump difaacin.

Xildhibaannada aqalka sare ee Mareykanka ayaa 8-da bisha Febraayo ee sanadkan waxa uu cod u qaadi doonaa dacwadda ka dhanka ah Trump.

Xildhibaannada ayaa u codeyn doono in Trump lagu soo oogo iyo in kale dacwad ah in uu huriyey fowdadii 6-dii bishan ay taageerayaashiisa ku qabsadeen dhismaha Aqalka Congress-ka, halkaasi oo shan qof ay ku dhinteen.

Garyaqaannada kala ah Greg Harris iyo Johnny Gasser, oo labaduba ka tirsanaan jiray xafiiska xeer-ilaalinta heer federaal isla markaana ka soo jeeda gobolka South Carolina ayaa iyaguna isaga baxay kooxda garyaqaannada ahi ee Trump difaacaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.