Uncategorized

Trump oo ku hanjabay in deeqda uu ka jari doono Wadamada ka soo horjeesta in Qudus ay noqoto Caasimadda Israel.

Muqdisho-KNN-Donald Trump Madaxweynaha Mareynkanka ayaa ku goodiyay inuu deeqaha ka jaran doono dalalka cod u qaada qaraarkii Qaramada Midoobay ee ka dhanka ahaa in magaalada Qudus Mareynkanka u aqoonsaday caasimadda Israel ay qalad tahay.

Madaxweyne Trump oo shalay ka hadlay Aqalka cad ayaa sheegay in Mareynkanka uu il gaar ah ku eegayo qaabka ay codeynta uga dhaceysa xarunta Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

“Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta madaxweynaha Maraykanka.

“codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Trump

Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.