Mark Esper oo ah Madaxa wasaaradda difaaca ee dalka maraykanka ayaa si kulul uga hadlay dibad baxyada ka socda maraykanka iyo sida uu u wajahayo madaxwayne Trump oo qorshaynaya in awood militeri uu u adeegsado.
Waxaa uu cadeeyay in uusan madaxwayne Trump ku raacsaneen adeegsiga militeriga hadii taa ay dhacdana dhibaatadii timaada masuuliyadeeda uu kali ku noqon doono Mr. Trump.
Sidoo kale police-ka ayuu ku amray in aysan wax xad gudub ah ugaysan Karin dadka shacuurtooda dibad baxyada ku muujinaya.
Madaxwaynihii hore ee dalka maraykanka Brack Obama iyo xoghayihii hore ee wasaaradda difaaca maraykanka Jim Matis ayaa iyaguna la saftay dadka isu soo baxyada samaynaya halka madaxwaynaha ay ku tilmaameen ruux maraykanka ku wada wadadii bur burka.
Mudo ka badan todobaad ayay socdaan banana baxyada rabshadaha wata ee saameeeyay 50ka magaalo ee ugu waa wayn dalkaasi, hanti badan ayaa la dhacay halka la bur buriyay saldhigyo iyo gadiid ay lahaayeen ciidanka Police-ka.