Somali News

Trump oo lagu qancinayo in uu aqbalo natiijada doorashadii looga adkaaday.

Shaqsiyaad caan ah oo xulafo la’ahaa madaxwayne Trump ayaa hadda ku doodaya in lagaaray waqtigii uu Trump aqbali lahaa in doorashada looga adkaaday.

Gudoomiyihii hore ee gobolka New Jersey ayaa ugu baaqay madaxwaynaha in uu ka tanaasulo dadaalada uu doonayo in uu dib ugusoo laabto kadib markii uu kasoo hor jeestay doorashadii uu kusoo baxay Joe Biden.

Donald Trump ayaa wali diidan in uu aqbalo in looga adkaaday doorashada waxana uuna ku doodayaa in looga shubtay.

Shaqsiyaad badan oo katirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa taageeray dooda madaxwayne Trump balse haatan waxa ay u muuqataa in dadkaasi ay sii yaraanayaan.

Codadka gobolada qaar oo dib loo tiriyay ayaa muujiyay in looga adkaaday Trump halka kuwo kalana ay kasoo horjeesteen jn ay doodaas furaan