Uncategorized

Trump oo Musuq-Maasuqay Abaamarinta Nabada.

Muqdisho-KNN-Guddiga caalamiga ah ee bixiya abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobel-ka loo yaqaano ayaa gal dacwadeed ka furtay booliiska dalka Norway kadib markii ay soo baxday in si been abuur ah madaxweynaha Maraykanka loogu magacaabay in uu helo abaalmarinta Nobel-ka.

Agaasimaah Macadka Nobel Olav Njølstad ayaa sheegay in ay beer abuun tahay in Madaxweyne Trump loo magacaabo biladaasi.

Dadka soo jeedin kara qofka la siinayo abaalmarinta Nobel-ka ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanada, wasiirada, bareyaasha jaamacadaha, iyo waliba dadkii horay abaalmarintan u qaatay, waxayna tahay in soojeedinta ama magacaabista lasoo gudbiyo kama dambeys 31-da bisha Janaayo sanad kasta, waxaana qofka guulaystay lasoo xushaa bisha Oktoobar.

Iyadoo lafilaayo Bisha October ee sanadkaan in lasoo magacaabo shaqsiga ku guuleystay Abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobel-ka ayaa waxaa soo baxday in madaxweyne Donal Trump loo qorsheynaayo in loo magacaabo Abaalmarintaasi, waxaana jira shaqsiyaad u ololeynaayo in si daba marin ah loogu magacaabo Madaxweyne Donal Trump.

Abaalmarintaan ayaa waxaa ku guuleysta dadka ka shaqeeya Nabada iyadoo Trump hadda lagu eedeeynaayo in uu Colaad ka huriyay, Khaliijka, oo uu ka danbeeyay cuna qabateyntii Qadar lagu soo rogay sanadkii hore iyo Xiisada cirka isku sii shareertay ee Bariga Dhexe ka taagan gaar ahaan Dhulka reer Falastiin.

Waxaa la sheegay in qof iska dhigaya in uu yahay qofkii xaqa u lahaa in uu soojeedin sameeyo, markii qofkii saxda ahaa la wacayna waxa uu sheegay in uusan isaga soo gudbinin wax magacaabis ah.

Sanadkii 2009-kii markii abaalmarintan la siiyay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa aad loo dhaleeceeyay guddiga, waxaana la sheegay in Obama uusan xiligaas u qalmin in la siiyo abaalmarin nabadeed xili ciidammada Maraykanka ay dagaal kaga jireen dalal badan.

Illaa afar madaxweyne oo soo maray Maraykanka ayaa illaa hadda qaatay abaalmarintan.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, 329 musharax oo isugu jira 217 shaqsi iyo 112 hay’adood ayaa sanadkani u tartamaya abaalmarintan, dhammaantoodna waa sir aad u saraysa in la ogaado kuwa ay yihiin.