Uncategorized

Trump oo qorsheenaya in Qudus laga dhigo caasimadda Israel.

Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu jeedin doono Arbacada soo socota Khudbad la sheegay inuu ku aqoonsan doono magaalada Qudus inay noqoto caasimada Israel.
Waa talaabo lagu tilmaamay mid si hurin karta Bariga dhexe xiisada ka jirta.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa soo xignaysa masuuliyiin Mareykan ah oo shaaca ka qaadaya inay dhici karto in dib loo dhigo in safaarada Mareykanka ee Tal abiib looso raro magaalada Qudus.
Nabiil Abu Radiina afhayeenka madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa uga digay maamulka Trump inay qaadan talaabo noocaasi oo kale ah waana mid dhibaato ku ah wada hadalada nabada israel iyo Falastiin.