Uncategorized

Trump oo raba in uu dhexdhexaadiyo Qadar iyo dalalka Carbeed

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu rabo in uu dhexdhexaadiyo mashaakilka ka dhex aloosan dawladda Qadar iyo dalalka ay dariska yihiin ee Carbeed.

Xulafo uu Sacuudigu hogaaminayo ayaa xiriirkii u jaray Qadar bishii Juunyo.

Dalalkaasi waxay sheegeen in ay arrintaas u cuskadeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada ah, dawladda Qadar ayaase si wayn u beenisay eedaymahaas, taas baddalkeedana waxay ku dooday in ay door muhiim ka ah ka ciyaarto la dagaalanka argagixisada.

Trump ayaa sheegay in uu u arkay in haddii uu gacan ku yeesho “ay durba heshiin lahaayeen” dalalkan Carbeed.