Somali News

Trump oo saxiixay sharci lagu taageerayo dibad baxyaasha Hong Kong.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci lagu taageerayo kooxaha dimoqoraadi doonka ee dibad baxyada ka wado Ismaamulka Hong Kong.

Trump ayaa sheegay in heshiiskan uu saxiixay isagoo xushmad u hayo madaxwaynaha Shiinaha iyo dadka reer Hong Kong.

Wasaaradda arimaha dibada ee Shiinaha ayaa Mareykanaka ku eedeesay in uu sii hurinayo xiisadda.

Mr Trump waqti xaadirkan waxa uu raadinayay sidii uu heshiis ula gaari lahaa Shiinaha, si loosoo afjaro dagaalka dhanka ganacsiga ah ee u dhaxeeyo labada wadan.

Xukuumada Hong Kong ayaa dhankeeda sharcigan ku tilmaamtay in calaamad qaldan uu muujinayo balse uusan wax katari dooni xaaladda ka taagan Hong Kong.

Mid kamid ah hogaamiyaasha dibad baxyadana ayaa dhankiisa ku tilmaamay sharcigan in uu yahay mid guul wayn u ah dadka reer Hong Kong.