Uncategorized

Trump oo sheegay in dalal Sucuudigu kamid yahay ku soo biiri donaan heshiisyada Israa’iil

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu sheegay in Boqortooyada Sucuudigu ay ku soo biiri doonto, heshiisyadii ay galeen dawladaha Bahrain iyo Imaaraatka Carabka.

Waxa uu hadalkan sheegay Trump ,xilli uu khudbad ka jor jeedinayay munaasabad lagu saxiixayay, heshiiskii dhawaan ay wada galeen Israa’iil iyo Bahrain,taas oo ka careysiisay inta badan dawladaha Islaamka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu aaminsan yahay, in dawlado badan oo caalamka ah ay xiriiro diblomaasiyadeed dhow la sameyn doonaan, Israa’iil.

Waxaa muuqata in in dhaweytaba ay sii kordhayaan, dalal badan oo doonaya in xiriiro dhow ay la sameeyaan Israa’iil , waxaana ka mid ah dawlado Islaam ah.