Somali News

Trump oo Wadamada NATO ku cadaadinaya in ay Kordhiyaan qarashaadka ay ku bixiyaan Ururkaas

Muqdisho-KNN-Madaxweeynaha Mareeykanka Donald J Trump ayaa usheegay Wadamada ku mideeysan Gaashaan-buurta NATO in loo baahanyahay xilligan In ay kordhiyaan Kharashaadka ay ku bixiyaan Ururka NATO.

Trump ayaa sheegay in boqoleey 4 ah looga baahnayahay in ay ka bixiyaan dhaqaalaha Guud ee dalalkooda soo gala halkii ay markii hore ka bixin jireen 2 boqolkiiba.

Gaashaan buurta NATO oo ka kooban 29dal ayaa waxaa xilligan soo wajahaya qalqal lixaad kadib hadalada kasoo yeera Mareeykanka oo ah wadanka dhaqaalaha ugu badan ku bixiya ururkan.