Somali News

Trump oo weli cadaadis kala kulmaya Sanatarada Mareykanka

Sanatarada xil ka xayuubinta markii labaad ku sameynaya Donald Trump ayaa waxay soo bandhigeen muuqaal argagax leh oo muujinaya weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congreska e Capitol.

Iyaga oo soo xiganaya erayadii uu isticmaalay Mr Trump iyo qoraaladii uu soo galiyay barta tweeter-ka, waxa ay xubnaha dimuqraadiyiinta ku doodeen in uu ahaa shaqsigii ” hormuudka u ahaa kicinta ” maalinkii weerarku dhacay iyo ka hor-ba.

Qaar ka mid ah Sanatarada ayaa qiirooday markii ay soo bandhigayeen rabshadaha ay ku kaceen taageerayaasha Trump.

Muqaal ay kamarooyiinka ammaanka duubeen, balse aan la shaacin ayaa sidoo kale muujinaya sida ay dibadbaxayaasha ugu soo dhawaadeen xubnaha congress-ka.