Uncategorized

Tuniisiya oo dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha Emirates

Dawladda Tuniisiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday diyaaradaha shirkadda Emirates, ka dib markii tiro haween ah oo Tuniisiya u dhashay laga hor istaagay in ay ku safraan diyaaradaha shirkaddaas.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay dadka Tuniisiya ay aad u caroodeen, iyadoo qolyaha u dhadhaqaaqa xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen arrintaas kuna tilmaameen “faquuq iyo midab takoor”

Wasaaradda gaadiidka ee Tuniisiya ayaa sheegtay in xayiraaddan ay taagnaan doonto tan iyo inta shirkadda Emirates ay “si sharciga waafaqsan uga hawlgalayso”.

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dib u dhaca ay horseeday “xog ammaan”.

“Waan la xiriirnay walaalahanno Tunuusiya anaga oo kala hadlayna xogta muhiimka ka dhigtay in aan tallaabo khaas ah qaadno” ayuu Twitterka ku qoray Axaddii, wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Anwar Gargash,

“Aad baan u qadarinaa dumarka Tuniisia waana ixtiraamnaa,” ayuu sii raaciyay.

Saraakiil ka tirsan dawladda Tuniisiya ayaa sheegay in Isutagga Imaaraadka Carabtu uu dumarka Tuniisiya ka mamnuucay in ay u safraan ama xitaa masaafur ku noqdaan dalkooda.

Jimcihiina dawladda Tuniisiya ayaa sheegtay in ay safiirka Imaaraadka waydiisatay in uu caddeeyo waxa jira, loona sheegay in ay tallaabo ku meelgaar ah ahayd haddana la qaaday.

Warbaahinta guduhu waxay ku warrantay in dumarka Tuniisiya loo diidanaa in ay raacaan diyaaradaha Imaaraadka ee Dubay u socda muddo dhawr maalmood ah.