Turkiga ayaa baajiyay booqasho uu dalkaasi ku tagi lahaa wasiirka gaashaandhigga Sweden, si uu kala hadlo diidmada Turkiga eek u biirida NATO.
” Booqashadii Wasiirka Difaaca Sweden ee Turkiga 27-kii Janaayo waxaan u aragnay mid aan noo qalmin, sidaas darteed waxaan baajinay booqashada,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar.
Isagoo oo sii hadlayay ayuu hadalkiisa raaciyay in Sweden ay ku guuldareysatay inay ka qaado tillaabo dadka dhulkooda ku banaanbaxaya ee ka soo horjeeda Turkiga.
Bannaanbaxyo looga soo horjeedo Turkiga ayaa lagu qabtay afaafka hore ee safaarada uu ku leeyahay caasimada Sweden ee Stockholm.
Waxaa weli taagan xiisada ka dhalatay diidmada Ankara ee Sweden oo ku biirta xulafada militari ee NATO.