Somali News

Turkiga oo ballanqaaday in uu gacan ka gaysanayo dib dhiska adeegga Boostada Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si rasmi ah uga codsaday waaxda Boostada Turkiga in ay gacan ka geystaan sidii loo soo nooleyn lahaa boostada dalkeena oo gabi ahaanba burburtay sanadihii ay dowladd la’aanta aheyd Soomaaliya .

Wasiirka oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay guddoomiyaha golaha maamulka ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), ahna Guddoomiyaha Boostada Turkiga, Kenan Bozgeyik, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, laga soo bilaabo sanadii 2011-kii, waxaana xilligaas oo dalka Soomaaliya ay ka jirtay abaar daran booqasho ku yimid madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare.

Wasiir Canshuur ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay kalsooni wayn ku qabaan dowladda Turkiga, taas oo ka liftay in xukuumadda Soomaaliya ay codsi taageero oo dhanka Teknolojiyadda ah ay u dirsato waaxda Boostada Turkiga, isla markaana uu rajeynayo in Boostada Turkigu wax kala qaba doonto sidii loo soo nooleyn lahaa adeeggaas oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan waxyaabaha dalka ka dhoofaya.

Guddoomiyaha Boostada Turkiga ayaa dhankiisa ballanqaaday in ay Soomaaliya ka taageeri doonaan sidii loo dhisi lahaa boosto casri ah oo ay yeelato Soomaaliya, taas oo ka faa’iideysa doonta waaya aragnimada uu sheegay in dalkiisu uu u leeyahay arimaha boostada, waxay labada wafdi magacaabeen guddi farsamo oo kasoo shaqeeya sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa labada boost ee Turkiga iyo Soomaaliya.