Dha-dhaab-KNN-Shirkada TIKA Oo ah shirkad Turki ah oo wax ka qabata Arimaha Gar gaarka ayaa sheegtay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan Xeryaha Qaxootiga ee ku yaal dalka Kenya xeryahaas oo ay ku jiraan soomaali badan.
Hay`adan ayaa sheegtay in qaar ka mid ah xeryahaan ay ka jirto Cuno yari, waxbarasha la`aan iyo dhibaatooyin kale gaar ahaan xerada qaxootiga ee Dhadhaab.
Hay`adaan waxay sheegtay in xeryaha Qaxootiga ay ku jiraan 400,000 oo roox, oo aan haysan Hoy , cuno , biyo nadiif ah iyo waxbarasha la`aan.
Hay`ada Q.M U qaabilsan arimaha qaxootiga ayaa horay u sheegtay in ay jiraan dhibaatooyin isla markaana ay ka jiraan xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalka Kenya.
Hay`adaan Tika ayaa hada sheegtay in ay waxbarasho geyn doonaan caruur ka badan 250 isla markaana ay bilaabi doonaan wax barashada hoose, waxaa kaloo hay`ada ay sheegtay in ay wadaan qorshe kale oo ay caruur kale wax ku barayaan kuwaas oo ku nool Dhab-dhaab.