Somali News

Turkiga oo cadeeyey mowqifkiisa sii socoshada dib u dhiska Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Dowladda Turkiga oo si weyn u taageerta Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerarkii shalay ka dhacay afaafka hore ee degmada Afgooye.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu oo si adag kaga hadlay weerarkaas ayaa sheegay inuu muujinayo mar kale weji xumada kooxdii geysatay weerarkaas, sida uu hadalka u dhigay.

Wsasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in weeraradan aysan hakin doonin howlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, taas oo farxad galineysa shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay mar weliba garab taagnaan doonaan walaalahooda Soomaaliyeed, dadkii ku dhaawacmay qaraxaasna ay ka warqabi doonaan xaaladooda caafimaad.

 “Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada.Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada ka dhanka ah shaqaalaha Turkiga ah ee dhismaha ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.