Somali News

Turkiga oo dad lagu xiray iyadoo doorasho loo diyaaar garoobayo.

Muqdisho-KNN-Booliiska Turkiga ayaa xiray 47 ruux in ay ku guda jireen Howlgal ay ku baadi goobayeen dad la aaminsanyahay in ay taageereen Afgambigii fashilmay ee labo Sabo ka hor, sida uu wariyay TV-ga CNN Tur.

Howlgalkaan oo soo Biloowday talaadadii, ayaa waxaa lagu baadi goobayay 124 ruux oo lagu eedeeyay in ay taageersayihiin wadaadka Fadhigiisu mareeykanka yahay ee Tlaaxullahi guleen.

Ankara ayaa Gulen ku eedeeysay in uu ka dambeeyay Afgambigii fashilmay ee dhacay july 15 keedii 2015 kii, taasina waa eedeey uu Gulen inkiray.

Dadkaan la tuhmay ayaa lasheegay in ay Diinta ka caawinayeen Saraakiil sare oo military ah. Howlgalka waxaa diiradda lagu saaarayay magaaladda ku taalla Bartamaha Turkiga ee Konya, waxaana markii dambe la gaarsiiyay 31 gobol.

Wadanku uu u Diyaargaroobayaa Doorashadda Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka oo dhici doonta Axadda Barri ah. Waa Doorasho aad loogu loolamayo uu xisbiga taladda haya ee AK part uu qal-qiil ku jiro.