Somali News

Turkiga oo dhamaystiray heshiiskii hubka ee kala dhaxeeyay dowlada Ruushka.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay dhamaystireen heshiiskii difaaca gantaalada ee S-400 kaas oo ay kula jireen dhigooda Ruushka. 

Iibsashada Turkiga ee gantaaladan ayaa sii xumaynaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyo dalka Mareykanka maadaama uu horay uga digay iibshadan hubkan.  

Wax su’aal ah lama galin karo in Turkigu uu ka laabanayo iibsashada gantaalada S-400, heshiiskaasi waa mid soo idlaaday ayuu Erdogan sabtigii ka sheegay magaalada Istanbul.  

Erdogan ayaa sidookale sheegay in Ruushka ay iska kaashan doonaan soo saarista gaantaalada difaaca ee S-500.

Washington ayaa sheegtay in heshiiska Ankara iyo Moscow uu cabsi galinayo amniga wadamada  galbeedka iyadoona bishii April Mareykanku hakiyay diyaaradaha dagaalka F-35 oo ay ka iibin rabtay Turkiga.

Xiriirka Mareykanka iyo Turkiga oo xumaada ayaa sidookale saamayn wayn ku keeni karta ururka ay labada dowladood ku mideesan yihiin ee Gaashaanbuurta Nato.