Muqdisho-KNN-Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa weerar xoogan ku dilay 19
dagaal yahan oo ka tirsan maleeshiyada PKK ee ku sugan dalka Ciraaq.
Wakaalada wararka Anadolu ayaa tabisay in milatariga Turkiga uu beegsaday
saldhig dagaal yahanadaan ay ku leeyihiin gobolka Kurdistaan ee waqooyiga
Ciraaq.
Howlgalkaan ayaa dhanka kale lagu soo qabtay in ka badan afar dagaalame.
Sarkaal ka tirsan wasaarada Difaaca Turkiga ayaa u sheegay Anadolu in howlgalka
uu socday afar maalin lagana yaabo in uu kordho qasaaraha soo gaaray Kooxda
PKK.
Turkiga ayaa sidoo kale Burburiyay Bakhaaro hub lagu keydiyo oo ku yaal
gobolada Avasin-Basyan iyo Metina ee waqooyiga Ciraaq.