Somali News

Turkiga oo iska Fogeyey eedeyn kaga timid Midowga Yurub.

Muqdisho-KNN-Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa diiday war murtiyeed ay si wadajir ah usoo saareen midowga yurub iyo dalka Greece kaas oo ay Turkiga kaga dalbanayeen in ay joojiso shidaal qodida ay ka bilawday jasiirada Cyprus.

Dowladda Greece iyo midowga yurub ayaa ku tilmaamay dhaq dhaqaaqa shidaal qodida uu Turkigu kawado Cyprus in uu yahay mid sharci daro ah.

Wasaarada arimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegaty Arbacada maanta in Midowga yurub uusan dhex dhexaad ka noqon Karin muranka ka taagan jasiirada Cyprus.

Talaadadii wasaarada arimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa soo jeedisay in Turkiga uu joojiyo hawlgalada ay kawadaan halkaas, maalin kadib markii Cyprus uu ka dhacay  dibadbax looga soo horjeedo maraakiibta Turkiga ee Cyprus kawada shidaal qodida.

“Mareykanku waxa uu si qoto dheer uga walaacsanayahy iskudayga Turkiga uu shidaalka qodida kaga wado biyaha Cyprus” ayaa lagu yiri warka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Mareykanka.

Cyprus ayaa u qeebsan qayb uu caalamku u aqoonsanayahy Jamhuuriyada Cyprus iyo qayb ka go’day sanadkii 1974’kii taas oo hoos tagta maamulka Turkiga.