Muqdisho-KNN-Dawlada Turkiga ayaa waxa ay ku dhawaaqday in dawlada Libya ay ka gacan siin doonto, la dagaalanka cudueka safmareenka ah ee Coronavirus ama Covid19.
Mar ay khadka taleefanka ku wada xidhiidheen wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga iyo dhiggiisa dalka Libya ayaa waxa aay ka wada hadleen in ay iska kaashan doonaan la dagaalanka cudurka dunida aafeeyay ee Corona.
Sidoo kale wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in labada masuul ay ka wada hadleen arrimo kale oo ay ka mid yihiin, sii xiijinta xidhiidhka labad dal, iyo ka gacan siinta xukuumadda Libya dagaalka ay kula jirto mucaaradka sida weyn uga soo horjeeda.
Dalka Libya ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka adduunka ee uu saameeyay cudurka Coronavirus.