Somali News

Turkiga oo maanta qafifinaya bandowga xakameynta Covid 19 ee saaran wadankaasi.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan ayaa sheegay in ay qafiifin doonaan bandowga saaran dalkaasi ee ka hortaga cudurka covid 19 waxaana dib loo fasaxi doonaa shaqooyinka maqaaxiyaha, shacabka udaawasho tagi jiray garoomada kubada cagta

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in sanad dugsiyadeedka 2021 2022 loo dhigay in dib loo furo 13ka September

Wadamada caalamka ayaana inta badan waxaa saaran bandow kaas oo looga hortagayo faafitaanka cuduka dilaaga ah ee covid 19.

Covid 19 ayaa waxa uu saameyn badan ku yeesha guud ahaan caalamka oo dhan iyadoo cudurkan uu horaantii sanadkii 2019kii ka dilaacay dalka shiinaha waxaana uu galaaftay nolosha in ka badan 1 milan oo ruux.

Saraakiisha amaanka dalka Dr Congo ayaa sheegay in labadii habeen ee lasoo dhaafay laba tuulo oo 10km isku jirta lagu dilay kudhawaad 50 Qof.

Koox u abaabulan hab qabiil ayaa beegsaday dadkaasi oo deganaa tuulooyinka waqooyiga dhaca ee dalka Jamhuuriyada Congada dimoqraadiga.

Dowladda waxa ay sheegtay inay ciidamo badan oo boolis ah geyn doonto tuuloyinkaasi.

Dadka deegaanka ayaana la sheegay in ay soo wajahday cabsi xooggan inkastoo halkaas la geeyey ciidamo hordhac ah kuwaas oo sugaya amaanka