Muqdisho-KNN-Dowladda Turkiga ayaa amartay in shaqadda laga eryo in ka badan 18,500 oo ruux oo ka mid ah shaqaalaha Dowladda oo lagu eedeynayo xiriir ay la leeyihiin urur Argagixiso oo wadanka laga mamnuucay, sidaas waxaa lagu sheegay wareegto lagu daabacay bogga rasiga ah ee Dowladda.
Wareegtada oo lasoo saaray Axadda maanta ah ayaa waxaa lagu xusay in shaqada ay waayayaan 18,632 ruux, Mas`uuliyin Dowladeed ayaa sheegay in Shaqaale cayrintu ay xiriir la leedahay Afgambigii fashilmay ee laba sano ka hor Turkiga ka dhacay.
8,998 waxaa Askar ka mid ah Ciidamadda Booliiska, 3,077 ruux-na waa Askar military, 1,949 ayaa ah Ciidamadda Cirka, 1,126-na waa Ciidamadda Badda.
Shaqaalaha rayidka ah ee Shaqadda laga arkay waa 1,052 ruux, 199 ayaa sidoo kale ah Mucalimiinta jaamacadaha.
Wareegtadda Dowladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in 148 shaqaale ah oo horay shaqadda looga eryayna Shaqooyinkoodii lagu celiyay.
Tilaabadaani waxaa ay qayb ka tahay Xaaladdii deg-degga ahayd ee lasoo rogay Afgambigii fashilmay kadib, Todobo jeer ayaa la cusbooneeysiiyay Xaaladda Deg-degga ah ee Turkiga.