Somali News

Turkiga oo sheegay in soomaaliya uu ka taageerayo arimaha abaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa kulan kula qaadatay Magaalada muqdisho Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah.

Kulanka oo saacado badan ayaa waxaa ay uga hadleen qodobo ay kamid ahaayeen Arrimaha,Abaaraha, fatahaadaha oo soo noqday ee Wabiyada iyo qodobo kale, iyaga oo isku raacay in laga wada Shaqeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa Dowladda Turkiga waxaa ay ka dalbatay in Wasaaradda laga gacan siiyo sidii looga hortegi lahaa fatahaadaha Wabiyada ee soo laab laabtay,kuwaas oo dhibaato xoogana u geysta Bulshada.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa waxaa uu Wasiir Fowsiya uga mahad celiyey kulanka ay la qaadatay,isaga oo sheegay in Wasaaradda uu kala Shaqeyn doono waxyaabaha ay uga baahan yihiin in laga caawiyo sidoo kalena ay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.