Somali News

Turkiga oo si adag uga carooday heshiis ay saxiixday shirkad Mareykan ah

Ankara-KNN-Turkiga ayaa ka soo horjeestay heshiis dhex maray xoogagga Kurdiyiinta ee waqooyiga bari Syria iyo shirkad shidaal oo Mareykanka laga leeyahay, heshiiskaasi oo uu Turkigu ku tilmaamay “wax aan la aqbali karin” uuna u dhigan yahay maalgelinta argagixisada.

Saraakiil sarsare oo ku sugan Washington ayaa xaqiijiyay in shirkad shidaal oo Mareykan ah ay saxiixday heshiis ay la gashay ciidamada Syria Democratic Forces (SDF) si ay u “casriyeeyaan” meelaha shidaalka ee ay kooxdu gacanta ku hayso.

Heshiiska ayaa waxaa wada-galay ciidamada Kurdishka Syria ee SDF iyo shirkadda Delta Crescent Energy ee fadhiggeedu yahay gobolka Delaware ee dalka Mareykanka.

Syria ayaa horay u dhalleeceysay heshiiskan oo ay ku tilmaamtay “xatooyo” iyo “meel ka dhac madaxbannaanideeda qaran.”

SDF ayaa ah isbaheysi ay hogaaminayeen ciidamada Kurdiyiinta ee taageersan ismaamul ka dhisan waqooyi bari ee Syria, maamushana goobaha saliidda ugu weyn ee wadankaasi.

Kooxdan SDF ee uu Mareykanku taageero ayaa intooda badan ka kooban xoogagga maleeshiyaadka kurdiyiinta ee Syria oo Turkigu u arko in ay yihiin “koox argagaxiso” oo xiriir la leh Xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta ee PKK eel aga mamnuucay Turkiga.

VOA