Uncategorized

Turkiga oo tababar siinaya Booliiska Kenya

Muqdisho-KNN-Dowladda Turkiga ayaa qorshaynaysa inay tababar dhinacyo badan leh siiso Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Kenya, sida laga soo xigtay masuul ka tirsan hay’adda Samafalka Turkiga ee TIKA.

Saraakiishan oo aan tiradood la shaacin ayaa loo carbinayaa la dagaallanka dembiyada cul-culus iyo kooxaha argagixisada.

Wafdi Saraakiil ah oo ka socda Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska Dalka Kenya, kuwaasoo ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa mashruucan tababarka ah.

Wafdigan Turkiga ah ayaa Kenya joogi doona Afar Cisho, wxanay kormeer iyo u kuurgal ku samayn doonaan Dugsiga uu tababarku ka dhacayo iyo baahiyaha horumarineed ee halkaasi ka jira.

Bayaan ay soo saartay hay’adda Tika ayaa lagu sheegay inuu tababarkani yahay mid Caalami ah, kaasoo lagu bininayo koorsooyinka aasaasiga ah ee howlaha sirdoonka, marista Waddooyinka , la dagaallanka argagixisada,difaacidda falalka abaabulan, toogashada farsamaysan , xatooyada Baabuurta, ilaalinta madaxda, tababarka Booliiska, la dagaallanka argagixisada caalamiga ah, ka gorgortanka Dadka la haysto, ilaalinta goobaha muhiimka ah iyo dambiyada ka dhaca internetka.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa ugu mahadceliyay Dadka iyo xukuumadda Turkiga, taakulaynta ay la garab taagan tahay Dowladdooda, gaar ahaan marka ay jiraan howlaha lagula tacaalayo falalka dembiyada ah ee ay geystaan kooxaha gacan saarka la leh Al-Qaacidda sida Al-shabaab.

Hay’adda TIKA ee laga leeyahay Dalka Turkiga ayaa sidoo kale howlo Samafal ah ka wadda Dalka Soomaaliya, taasoo wax badan ka qabatay arrimaha Bini’aaddannimada iyo wax barashada.