Somali News

Turkiga oo xir xiraya boqolaal xiriir laleh wadaadka Farxullah Gulan

Muqdisho-KNN-Xeer beegtada dalka Turkiga ayaa amrtay in lasoo xiro illaa iyo 200 ruux oo kamid ah ciidamada militariga dalkaasi iyo dhawr katirsan shaqaalaha bulshada rayidka ah kuwaas oo lalaxiirinayo afganbigii fashilmay ee dalkaasi kadhacay sadax sano kahor.

Wakaalada wararka u faafiso dalka Turkiga ee Anadolu ayaa Talaadada maanta ah warisay in xeer beegtada fadhigoodu yahay Istanbul ay warqad xiritaan ah u jareen illaa 176 xubnood oo kamid ah ciidamada xooga.

Shaqsiyaadka la amaray in lasoo xiro waxaa kamid ah korneelo, shan duq magaalo, todobo kabtan, iyo 100 kmid ah saraagiil xigeeno.

Ankara ayaa wadaadka fadhiguusu yahay dalka Mareykanka ee Fethullah Gulen ku eedeesay in uu ahaa maskaxdii ka danbeesay afganbigii fashilmay ee Turkiga kadhacay bishii July ee sanadkii 2016’kii.

Inkasoo Mr Gulen uu dafiray in wax lug ah uu kulahaa afganbigaas haddana waxaa ku dhintay dad gaaraya 300 oo ruux.

Ku dhawaad sadax sano oo laga joogo markii uu fashilmay afganbigaas tobonaan kun oo ruux ayaa xabsiyada loo dhigay in ay ku lug lahaayeen afganbigaas iyadoona sidoo kale saraakiil sar sare ay shaqadoodu ku waayeen.