Muqdisho-KNN-Ciidamada AMISOM ayaa saaka lahadal hayaa inay ka guurayaaan garoonka kubbadda Cagta ee Muqdisho Stadiom.
Garoonkan Caalamiga ah ayaa waxaa ku dhawaad 10 sano aysan gudaha u galin shacabka soomaaliya maadama farriisin ciidan ay u ahayd Ciidamada Amisom.

Sikastaba shalay waxaa booqday madax waynaha dowlada fideraalka somaliya isagoo ka dhawaajiyay in dib loo sameen doono dayactirka garoonkan ayna ka gurayaan ciidama Amisom.
“Annaga oo dhammaystirayna qorshaha la wareegidda garoonkan, waxaynu dib u cusboonaysiin iyo dib u dhis ku samaynaynaa garoonkan, si loo soo celiyo bilicdii uu lahaan jirey Muqdisho Stadium.” Madax wayne Farmaajo ayaa hadalkaa gudaha garoonka kaga dhawaajiyay.
Maanta ayaana lafilayaa inuu halkaas tago wafdi uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha somaliya Xasan Cali Kheyre xili la qorshaynayo inay ka guurayaan isla maanta Ciidamada Amisom waxaana amaanka garoonka lawareegaya ciidamo boolis ah oo dowlada Fedaraalka soomaaliya ka tirsan.
Ugu danbayn tuuladii ciyaaraha Dalka ee Muqdisho Stadium ayay shacab badan soo dhaweenayaan talaabadan dib loogu soo nooleenayo.