Somali News

U diyaar garowga doorashooyinka oo laga dareemayo Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay si rasmi ah ugu gudbisay guddiga doorashooyinka Galmudug liiska saxiixayaasha 43 xubnood , kuwaas oo ahaa saxiixayaashii soo dhisey maamulka Galmudug.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa ay wadaa qorshaha habaynta iyo diyaarinta odayaasha.

Waxaa gudaha magaalada Dhuusamareeb laga dareemayaa u diyaargarowga hawlaha doorashada, ee lagu soo dooran lahaa madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaasi hoggaamin doona, ammaanka magaalada ayaanna si aad ah loo adkeeyay.

Sabtida berri ah ayaa lagu wadaa  in la xareeyo Odayaasha saxiixayaasha Galmudug,isla markaana caawa la soo dhameystiro aqoonsiyada madasha shirka, maadaama berri  uu furmayo.

23-ka Bisha soo aadan ee December maalin Isniin ah , ayaa lagu wada in ay doorashadu si rasmi ah uga dhacdo Galmudug, sida ay iclaamiyeen guddiga u xilsaaran arrimaha doorashooyinka Galmudug.