Muqdisho-KNN-Diyaaraddii u horreeysay ee shirkadda duulimaadyada Uganda Airlines ayaa maanta waxaa ay soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Duulimaadkan ayaa billow u ah duulimaadyo toos ah oo isku xiraya Magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala.
Xaflad lagu daahfuray duulimaadyada ayaa lagu qabtay garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiiru dowladaha Wasaarada Arimaha Dibada ee Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay munasabada ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay leedahay Dowladda Soomaaliya in diyaarada Uganda Airlines ay duulimaad ka bilowdo magaalada Muqdisho, islamarkaana arintan ayaa waxaa ay fursad weyn u noqon doonaantaa Ardayda waxkabarta dalka Uganda.
Uganda Airlines ayaa dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, muddo 18 sanno kaddib, iyada oo shirkadda ay billowday duulimaadyo ay ku tageyso dalalka gobolka.
Diyaarado ay ka mid yihiin Turkiga, Qatar, Itoobiya iyo Uganda ayaa xiligan ka soo dega garoonka Caalamiga ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay heshiis ay wada galeen Dowladda Sooomaaliya iyo Madaxda Shirkadahaasi.