Somali News

Uganda oo beenisay war laga faafiyey madaxweyne Yoweri Museveni

Wasiiradda Caafimaadka ee dalka Uganda, Jane Aceng, ayaa beenisay warar sheegaya in xubno sare oo ka tirsan dowladda la siiyay tallaalka la dagaallanka Covid-19, ka hor inta uusan waddankaas si rasmi ah u helin tallaalka.

Ms Aceng ayaa ka jawaabeysay warka ku saabsan in si qarsoodi ah loo tallaallay madaxweyne Yoweri Museveni iyo madaxda ku hareereysan. Warkaas waxaa markii hore shaaciyay wargeyska kasoo baxa gudaha Uganda ee Daily Monitor iyo wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee lagu magacaabo Wall Street Journal.

Qoraal iyo sawir Twitter-ka lasoo dhigay ayey wasaaraddu ku sheegtay “in madaxweynaha iyo xubnaha kale ee madaxtooyada midna aan la siinin wax tallaal ah”.