Uncategorized

Uganda oo diyaarado Dagaal usoo direysa Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-War kasoo baxay dowladda Uganda ayaa lagu sheegay in dowlaadaasi ay qorsheeyneeyso sidii ciidamda Amisom ay ugu soo kordhin lahaayeen diyaarado dagaal.

Diyaaradan dagaal ayaa la sheegay in ay kaabi doonaan ciidamada  Amisom kuwaa oo aan heeynin qeyb ciidamda cirka ah oo Caawisa Howlgalkan.

Dowladda Uganda ayaa warkan ku sheegtay in ey kaga gol leedahay sidii ay  Amisom kaga caawin lahayd  daabulidda Alaabaha ey ciidamadu ubaahanyihiin sida, Raashinka, Dawa iyo qalabka ciidan ee oo baahanyahay.

Jeneraal Owoyesugire oo ah taliyaha ciidamada Cirka Uganda ayaa sheegay in kooxdan ciidamada cirka ah ey tagi doonaan soomaaliya iyaga oo caawinaya Howgalka lugta ah ee Amisom walibana aanan loo baahaneen ama aan la sugeeen in ey meel mariyaan Midawga Afrika.

Jeneraalkan ayaa waxa uu intaa kusii daray in diyaaradahani ey dhamaan u deegi doonaan qeeybaha kala duwan ee ciidamda Amisom ee dhowrka wadanka ee Afrikaanka ah isaga kala yimid.

“Waa ka guuleeysanay Alshabaab balse halkii ugu danbeeysay maanan gaarin wali waxaan diyaar unahay inaan caawinno howgalka Amisom lagu sumado ee Soomaaliya ka socda” Sidaa waxaa yiri Jeneraal oo ah taliyaha xoogga ciidanka Uganda.

Ciidamda Amisom ee ka howgala soomaaliya oo ku sugnaa dalka tan iyo sandadkii 2007-dii ayaa waxa ey la daalaa dhacayeen la’aanta diyaarado ey u isticmaalaan dagaalka ey Alshabaab kula jiraan.