Uncategorized

Uhurru Kenyatta oo lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii lagu celiyay ee Kenya.

Nairobi: Guddiga doorashadda dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in Uhhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashadoo lagu celshay ee 26 bishaan dalkaasi ka dhacday.

Gudoomiyaha guddiga doorashadda dalkaasi Wafula Jibukaati ayaa ku dhawaaqay in M/weyne Uhuru uu mar kale ku guulaystay mar kale doorashadii lagu celiyay.

Wafula waxaa uu xuusay in Uhuru helay 98% codadkii la tiriyay taasna ay ka dhigantahay inuu yahay M/weynaha la doortay.

Ku dhawaaqista natiijadaan waxay soo baxayaan ayadoo xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ah ay qaadaceen doorashadii lagu celiyay dhawr magaalana aan laga codeyn.

Uhurru Kenyatta ayaa sidaan oo kale ugu guulaystay doorashadii la qabtay bishii August ee sanadkaan inkastoo maxkamada sare ee ay amartay in lagu celiyo.