Somali News

Uhuru Kenyatta oo hay’adaha amniga faray inay la dagaalamaan Al-shabaab.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa magaaladda Mombasa waxaa uu kula kulmay xubnaha ugu sareeya saraakiisha Amaanka iyo madaxda Goboladda Kenya, waxay kulankooda ku soo qaadeen xaaladaha amaan ee Wadanka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale waxaa uu shaaca ka qaaday amar fulineed iyo guddi cusub oo ka shaqaynaya barnaamijyadda horumarinta ee Qaranka iyo kuwa amaanka ee Dalka.

Kulanka ayaa waxaa uu ku soo aaday xilli Dowladda Kenya ay baadi goob ugu jirto xubno ka tirsan Al-shabaab kadib weerarkii lagu qaaday magaaladda Nairobi.

Gobolka Woqooyi-Bari Kenya oo uu ka dhacay kulanka Madaxda Kenya ayaa ah halka ay ka socdaan Baaritaanadda ugu badan iyo baadi goobka ay wadaan Ciidanka Amaanka Kenya.

Ka sokoow arrimaha horumarinta ku saabsan ee looga hadlay shirkii Mombasa, waxaa lasooqaaday amniga Wadanka iyo sidii Dowladdu ay jawaab uga bixin lahayd Weerarkii Al-shabaab masuuliyadiisa shegteen.

Madaxweyne Kenyatta ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Fred Matiang’i waxaa uu ka dhigay ninka ugu awoodda badan xukuumadiisa isagoo masuul uga dhigay fulinta howlaha Amniga iyo Mashruucyo.

Warbahinta Kenya ayaa warisay in kulankii Talaadada ee Mombasa qodobka ugu weeyn ee laga hadlay uu ahaa Amniga, islamarkaana la isla soo qaaday Howlgallo leh abaabul dhexe kuwaas oo fulintoodu ay ka dhaqan gali doonto gudaha Kenya iyo Soomaaliya oo Ciidanka Kenya joogaan.

Waxaa lagu heshiiyay in la Abuuro hanaan looga hortagayo in weerar la mid ah kii caasimadda Nairobi ka dhacay 15kii Bishaan uu dalka intiisa kale ka dhaco ama xitaa caasimadda.

Waxaa si adag u howlgali doona Saraakiisha Amniga ee Gobolka Woqooyi-Bari Kenya halkaas oo ay ku suganyihiin Garabka Al-shabaab ee Weerarada ka geeysta Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenya ayaa waxaa uu amray Arbacadii lasoo dhaafay Jawaab deg-deg ah in laga bixiyo Weerarkii Al-shabaab ee Nairobi, kulankii uu Madaxda gobladda iyo kuwa Amniga la yeeshayna waxaa uu isku xir u ahaa amarkiisii hore.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa iclaamiyay howlgal lagu  ciribtiraayo Al-Shabaabka ka dhex dagaalama gudaha dalka Kenya.

Mr Uhuru ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay sameysay xarun loogu tala galay in lagu Keydiyo dadka soo galiya gudaha Kenya ee ka imaanaya Soomaaliya si aysan ugu soo dhex dhuuman Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dalka Kenya ayaa Hay’addaha Ammaanka faray in ay fuliyaan howlgallo joogto ah oo lagula dagaalamayo dagaalamayaasha Al-Shabaab.