Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wareysi dhinacya badan taabanaya siiyay VOA-da waxyaabihii la weydiiyayna waxaa kamid ahaa kolka ay ciidaankiisu ka baxayaan Soomaaliya.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in sida “ugu dhaqsiyaha badan” kaga bixi doonaan Soomaaliya, waxa uuna intaa ku daray in qarash deeri ah ay ku bixiyaan ciidamada Kenyaanka ah ee gudaha Soomaaliya ku sugan, taana ay iyaga dhibaato ku tahay oo qarashkaa ay waxyaabo kale ku bixin lahaayeen.
Ciidammada Kenya ayaa gudaha usoo galay Soomaaliya sanadkii 2011, dibna waxa ay kaga biireen AMISOM, inkasta oo la aaminsanyahay in ciidan ka dheeriya kuwa AMISOM u diiwaangashan oo Kenyaan ah ay ku suganyihiin gudaha Soomaaliya.