Muqdisho-KNN-Cawaaqib xun ayaa ka dhalan doona haddii Iiraan aanay sii dayn markabka ku safrayay calanka Britain ee ay ku qabsatay Gacanka, waxaa sidaas sheegay wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Jeremy Hunt.
Milkiilayaasha markabka Stena Impero, ayaa sheegay in aanay u suuragelin inay markabka la xiriiraan haatanna “uu ku sii socdo dhinaca waqooyi ee Iiraan”.
Waxa ay sheegeen in 23 qof ay markabka saarnaayeen ay marinka Hormuz ku soo hujuumeen “koox aanan la garanayn oo doonyo watay diyaar qumaati u kacdana ay wehlinaysay”.
Waxaa isku gadaamay afar doonyood iyo diyaarad qumaati u kacda, Mr Hunt ayaa sidaasi sheegay.
Markab labaad oo Britain laga leeyahay balse ku safrayay calanka Liberia ayaa waxaa fuulay ilaalo hubaysan hasayeeshee haatan waa la sii daayay oo safarkiisii ayuu sii wataa.
Dhacdooyinkan ugu dambeeyay ayaa imanaya xilli ay taagan tahay xiisad sare oo u dhaxaysa UK iyo Iiraan.