Somali News

UK oo Iran ku eedeeysay Weerarkii lagu qaaday Warshadaha Saliidda Sucuudiga.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ku eedeeyay Dowladda Iran in ay ka dambeeysay weerarkii lagu qaaday warshadihii saliidda ee Dowladda Sucuudiga. Waxaa uu hadalkaan sheegay xilli la qorsheeyay in uu la kulmo Xasan Ruuxaani.

Jonson ayaa sheegtay in ay jirto “suurtagalnimo aad u sarreeysa” in ay Iran ka dambeeysay weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaaladda loo adeegsaday ee lala eegtay labadii warshadood ee ugu waawynaa Sucuudiga.

Dowladda Iran ayaa horay u diiday eed ay Sucuudiga iyo Marayku usoo jeediyeen.

Ra’iisul Wasaaraha Uk ayaa meesha ka saaray in talaabo military ay xal u noqon karto wixii dhacay,  waxaa uu sheegay in wada hadalku uu yahay xalka ugu dhow uguna fiican.

Dhamaan dhinacyadda isdiidan waxaa ay joogaan magaaladda New York oo ay uga qayb gelayaan Shirka loo dhanyahay ee Qaramadda Midoobay.